Kormeerahu waxay heysataa 35 shaqaale ah oo leh aqoon kala gedisan.

 

Waajibaadka Kormeeraha

Waajibaadka iyo doorka Kormeerahu waxay ka ta Sharciga Ka Hortaga Takoorka ee Kormeerayaasha:

  • Dadka la kulma takoor ayaa nala soo xiriiri kara si ay u helaan hagida ku saabsan xuquuqdooda iyo waxa ay sameyn karaan. Ururada, qareenada iyo dadka kale ee matalaya shakhsiyaadka la kulmay takoorid ayaa sidoo kale nala soo xiriiri kara si ay u helaan hagid.

  • Loo shaqeeyayaasha, bixiyayaasha adeegga iyo ganacsiyada kale ayaa naga heli kara hagitaanka sida ay gacan uga geysan karaan ka hortaga takoorka. Kormeerahu waxay bixisaa hagitaanka waajibaadka sharciyeed si kor loogu qaado sinaanta loogana hortago takoorka iyo waliba sida waajibaadkaas loo fulin karo.

  • Kormeeruhu waxay kormeertaa saddex heshiis oo ay soo saartay UN waxayna si joogto ah warbixin uga siisaa Qaramada Midoobay sida ay maamulka Norway ugu hogaansamaan. Kuwani waa Heshiiska Caalamiga ah ee Ciribtirka Dhamaan Noocyada Midab Takoorka ee Qaramada Midoobay (ICERD), Heshiiska Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka Ka Dhanka ah Haweenka ee Qaramada Midoobay (CEDAW) iyo Heshiiska Xuquuqda Dadka Naafada ah ee Qaramada Midoobay (CRPD).

  • Waxaan sidoo kale ka shaqeynaa sidii aan u beddeli lahayn hab fikirka si looga hortago takoorka. Waxaan tan ku sameynaa annagoo abaabulayna shirar ay ururada, siyaasiyiinta, mas'uuliyiinta dawladda, loo shaqeeyayaasha iyo kuwa kaleba ku kulmi karaan.

Intaa waxaa sii dheer, qayb muhiim ah oo kamid ah shaqadayada ayaa ah in aan soo ururinno aqoon ku saabsan xaaladda sinnaanta iyo takoorka ee dadyowga kala duwan ee Norway.

 

Waa maxay takoorku?

Takoorku waa mamnuuc sida uu dhigayo sharciga sinnaanta iyo ka hortagga takoorku. Takoorku sharci ahaan waa ula dhaqmida [qof] si ka duwan [dadka kale] taas oo la xiriirta hal ama wax ka badan oo 'sababo takoor ah', kuwaas oo aan xaqiiq ahayn (sharci ahayn ama daruuri ahayn). Sababaha takoorka ee uu dhowro sharciga Norway waa jinsiga, uurka, fasaxa waalidka, waajibaadka daryeelka, qowmiyada (oo ay ku jirto asaliyada, isirka, midabka maqaarka, luqada), diinta/caqiidada, naafanimada, nooca galmada, aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga iyo da'da. Dhanka shaqada, waxaa lagaa ilaaliyaa takoorka la xiriira xubinnimada ururada shaqaalaha iyo aragtiyaha siyaasadeed.

Xaaladaha qaarkood, ula dhaqmida [qof] qaab ka duwan [dadka kale] waxay noqon kartaa mid macquul ah, xitaa haddii ay tani la xiriirto sababo takoorid. Haddii aad qabtid wax su'aalo ah oo ku saabsan haddii ula dhaqmida [qof] si ka duwan [dadka kale] ay sharci tahay iyo in kale, waxaad la xiriiri kartaa Kormeeraha si aad u hesho hagitaan.

 

Nala soo xiriir

Si aad noogala soo xiriirto wax ku saabsan kiis gaar ah

Adeegyada hagida sharciga 9 subaxnimo - 3 galabnimo maalmaha shaqada, taleefanka bilaashka ah: 959 20 544.

Si aad u hesho foom qoraal ah oo bixinaya adeegsiga macluumaadka shakhsiga ah iyo macluumaadka xasaasiga ah: guji halkan. C(ontact form in English)

Waxaan ku siin karnaa turjubaan haddii loo baahdo.

 

Dhamaan xiriirada kale

Taleefan: 23 15 73 00 Iimeyl: post@ldo.no

Cinwaanka booqashada: Mariboesgate 13 ee Oslo

Cinwaanka boostada: PO Box 9297 Grønland, 0134 Oslo